Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Assaaskii ciidanka Soomaaliya oo la xusay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku jirto qorshe ay ciidankeeda militeriga kagala wareegayaan AMISOM hawsha ay ka hayaan Soomaaliya iyo sidii la isugu dhafi lahaa ciidanka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa waxa ka sheegay munaasabad lagu maamuusayay maanta aasaaskii ciidanka Soomaaliya, Taliyaha militeriga Soomaaliya, General Maxamed Aadan Axmed oo sheegay in ciidanka Soomaaliya ay samayn doonto qorshaha kala wareegida xilka AMISOM iyo isku dhafka ciidanka oo muhiim ah sanadkan 2016 iyo sanadka 2017.

Weriyaha BBC Ibrahim Maxamed Aadan ayaa warbixintan ka soo diray.