Jarmalka oo soo saaray sharci qaxooti

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Angela Merkel ayaa waxaa saaran cadaadis badan kadib markii ay imaadeen in ka badan milyan qaxooti.

Ra'iisalwasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa sheegtay in qaxootiga doonaya inay joogaan Jarmalka laga doonayo inay dhexgalaan bulshada, ka dib markii dowladda isbahaysiga ay go'aan ku gaartay in la sameeyo sharci ka doonaya qaxootiga inay bartaan luuqada.

Waxaa loo sheegi karaa meesha ay degi karaan. Sharcigan cusub ayaa dadka magangalyada doonaya loogu samayn doonaa, boqolaal kun oo shaqo oo lacag yar la qaadanayo.

Wariyaha BBCda ee Berlin, ayaa sheegaya in uu jiro walaac ay dadka ka qabaan in ka badan hal milyan oo qaxooti oo yimid sanadkii hore.