Dhul gariir ka dhacay Japan

Lahaanshaha sawirka AP

Dhul gariir cabirkiisu yahay ugu yaraan 6.4 ayaa ka dhacay koonfurta Japan, kadibna waxaa ka danbeeyay gariir xoogan, oo sababay dhismayaal badan inay dumaan.

Hal warbixin ayaa sheegaysa in saddex qof ay dhinteen. Boliiska ayaa sheegay dadka qaar in laga yaabo inay wali ku jiraan burburka magaalada Kumamoto ee jasiirada Kyusha.

Tareenada aadka u dheereeya ayaa la joojiyay. Masuuliyiinta nukliyeerka ayaa sheegay in labada saldhig ee ku yaala Kyushu inay si caadi ah u shaqaynayeen, inkastoo farsamayaqaanada ay baarayaan qasaaro soo gaaray.