kumannaan qof oo uu saameeyay dhulgariirka Japan

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kumannaan qoys ayuu saameeyay dhulgariirka

Cisbitaallada dalka Japan waxaa weli la geynayaa dadka waxyeellada ay ka soo gaartay dhulgariir xoog badan oo khamiistii ku dhuftay jasiiradda Kyushu ee kuufurta dalkaasi.

Heerka cabirka dhulgariirkaasi ayaa ahaa 6.4 Magnitude oo ah heerka cabirka dhulgariirada.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhimatay, waxaana ku dhaawacantay in kabadan 700 oo qof.

Sidoo kale, inkabadan 40 kun oo qof ayaa laga saaray goobaha uu dhulgariirka ka dhacay, halkaas oo guryaha ay ku rogmeen jidadka.

Qaar kamid ah dadka deggan deegaanka Kumamoto waxa ay sheegeen inay dhulka ku dheceen, awoodda dhul ruxanka aaweed.

Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe, waxa uu sheegay in dowladda ay diyaarisay booliska, kooxaha dabdemiska, iyo militariga si ay howgal samata bixin ah u sameeyaan.