US iyo Ruushka oo ku dhowaaday inay dagaallamaan

Image caption Diyaaradda Ruushka oo ku duuleysa meel u dhow Markabka dagaal ee Mareykanka

Xogahayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry ayaa sheegay in ciidamada badda ee Mareykanka ay xaq u layaaheen inay soo ridaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ee ku duulay meel u dhow maraakiibta dagaalka ee US ee badda Baltic ku sugan.

Taliyaha ciidamada cirka ee Mareykanka, Donald Cook, waxa uu sheegay in laba diyaarad oo dagaal oo Ruushka leeyahay inay dhowr-mitir u jirsadeen markabkiisa.

Tallaabadaas ayuu ku tilmaamay dagaal aan Isniintii dhicin inay tahay.

Mr Kerry ayaa ku sheegay in arrintaasi ay tahay farsamo taxadar la’aan ah, daandaansi iyo halis u bareerid.

Waxa uu tilmaamay in Mareykanka aanan loogu caga jugleyn karin biyaha badda dushooda.

Wasiirka difaaca ee Ruushka waxa uu dhankiisa sheegay in markabka dagaalka ee Mareykanka uu ku dhowaaday xarun ay halkaasi ku leeyihiin Ruushka.

Wuxuuna intaa ku daray in diyaaradohooda ay qiimeynayeen badqabka xaaladda.