IS oo ku soo badanaysa Libya

Lahaanshaha sawirka AFP

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS ayaa aad u imanaysa Libya, iyadoo lagula dagaalamayo mintidiinta dalalka Ciraaq iyo Suuriya, sida uu sheegay madaxweyne Obama.

Maraykanka ayaa ka sii wadi doona dagaalka Libya ayuu yiri Obama.

Toddobaadkii hore, Mr Obama ayaa sheegay in qaladkii ugu waynaa waqtigii uu madaxweynaha ahaa uu yahay, sida loogu guuldaraystay in qorshe loo sameeyo Libya, ka dib markii la riday hogaamiyihii Macamar Qadafi 2011-kii.

Libya ayaa dagaal uu ka socdaa tan iyo waqtigaas.

Dowlad cusub oo ay taageerayso Qaramada Midoobay ayaa timid magaalo madaxda Tripoli horaantii bishan, iyadoo la rajaynayo inay soo celiso ammaanka iyo kala danbaynta waddanka oo ay maamulaan maleeshiyo iska soo horjeeda, laba dowladood iyo laba baarlamaan.