Soomaaliya iyo Sudan oo iskaashanaya

Lahaanshaha sawirka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Sudan Cumar al Bashir ayaa ku kulmay magaalo madaxda Khartuum ee Sudan.

Waxay saxiixeen heshiis iskaashi ee labada waddan.

Xoojinta iskaashiga waxaa ka shaqayn doona gudi heer wasiir ah oo la samayn doono.

Dhinacyada ay iska kaashanayaan waxaa ka mid ah, waxbarashada, ganacsiga, amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tayeenta hayadaha dowladda.

Si loo tayeeyo hayadaha dowladda Soomaaliya, waxaa lagu tala jiraa in shaqaalaha dowladda Soomaaliya ay yimaadeen Suudaan oo ay mudo ka shaqeeyaan, si ay u kororsadaan xirfadahooda, sida uu BBC u sheegay afhayeenka madaxtooyada Daud Aways.