Wasiir isu casishay weerraradii Brussels

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Wasiirka Gaadiidka Biljemka, Jacqueline Galant.

Wasiirka gaadiidka Biljimka ayaa waxa ay iska casishay jagadeedii kaddib markii lagu eedeeyay in ay iska indha-tirtay inay wax ka qabato dulduleelada dhanka ammaanka ah ee ka jiray gagida diyaaraha Brussels ka hor inta aanan la weerarin 22 bishii Maarso.

Dikuminti qarsoodi ah oo xogtiisa ay soo saareen baarayaal ka tirsan Midowga Yurub ayaa 2015 lagu ogaaday in ammaanka garoomada diyaaradaha Biljimka aanay xoogganayn.

Wasiir Jacqueline Galant, ayaa diidday in ay aragtay warbixinta, taasi oo loo dusiyay axsaabta mucaaradka.

Weerraradii ay kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah ku qaaday gagida dayuuradaha ee Zaventem iyo boosteejada tareenada laga raaco ee Brussels ayaa waxaa ku dhintay 32 qof.

Ra’iisul Wasaare Charles Michel, ayaa horay u difaacay Ms Galant, baarlamankana waxa uu u sheegay in xafiiskeeda uusan arag warbixinta muhiimka ah.