Samato bixin ka socota dalka Japan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption dhulgariirka ayaa dhulka dillaaciyay

Dadaalada samato bixin ah ayaa ka socda koonfurta galbeed ee dalka Japan si loo caawiyo dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirkii xoogga badanaa ee ku dhuftay gobolkaasi.

Askar tiradooda lagu qiyaasay 20,000 ayaa la geeyay gobolka Kyushu si ay hawlgalkaasi uga qaybqaataan hawlgalka gargaarka.

Ugu yaraan 18 ruux ayaa ku dhintay boqolaal kale ayaana ku dhaawacmay, sida ay warbaahintu sheegtay.

Dad badan ayaa loo malaynayaa in ay ku hoos xaniban yihiin burburka dhismeyaasha.

Dhulgariirkii Khamiistii ayaa isna dilay sagaal ruux.

Dhulgariirka dambe oo heerka cabirkiisa lagu qiyaasay 7.1 waxa uu dhacay xilli aroor ah.

Muuqaallo laga baahiyay TV-ga NHK ee dalka Japan waxa ay mujinayaan sida ay dhulka iyo dhismayaasha u ruxmayeen.

Ra’iisul wasaare Shinzo Abe waxa uu sheegay in dadka lagu wargelindoono sida ay wax u dheceen.

Waxa uu sidoo kale amray in dhammaan saraakiisha ay quseyso ay sidegdeg ah xaaladda u qiimeeyaan, si howlaha gurmadka loo billaabo.

Gavin Hayes oo ka tirsan xarunta sahanka dhulka ee Mareykanka ayaa waxa uu BBC-da u sheegay in dhulgariirka dambe uu dhabarjab ku yahay howlihii gurmadka loogu fidinaayay dadkii uu kii hore saameeyay.