Rwanda oo siyaasi ku xukuntay xabsi daa'in

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xasuuqii Rwanda waxaa ku dhimatay ku dhowaad hal milyan oo qof

Siyaasi hore oo u dhashay dalka Rwanda, Leon Mugesera, ayaa lagu helay dembi ah inuu horiyay colaaddii xasuuqa, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.

Waxa uu beeniyay dhammaan eedaha loo soo jeediyay, wuxuuna ku adkeystay inuu racfaan ka qaadan doono xukunka.

Dembiyada lagu eedeeyay Leon Mugesera, waxaa la geystay sanad iyo bar ka hor xasuuqii Rwanda ee 1994.

Waa arrin dad badan ay aaminsan yihiin inay sabab u ahayd xasuuqa qowmiyado oo ay ku dhinteen qiyaastii 800 kun oo qof.

Mr Mugesera waxaa lagu xukumay hadal can ah oo uu jeediyay oo kicinaya geysashada xasuuq, hadalkaas oo uu qowmiyadda Tutsi-ga ugu ku tilmaamay sida baranbaro inay yihiin.

Xilligaasi wuxuu ahaa siyaasi heer gobol ah. Mr Mugesera markaasi kaddib waxa uu u qaxay dalka Canada, halkaas oo uu jaamacad ka dhigayay.

Waxaa dalka Rwanda lagu wareejiyay sanadkii 2012kii kaddib markii dagaal dhanka sharciga oo aad u dheer uu dhexmaray labada dal.