Dawladda Sacuudiga oo Maraykanka u digtay

Lahaanshaha sawirka Getty

Waxaa lagu soo waramayaa in Sacuudi Carabiya u sheegtay Washington in ay iibin doonto hantida ay ku leedahay Maraykanka oo qiimaheedu yahay boqolaal bilyan oo dollar, waase haddii Congress-ka Maraykanku ansixiyo sharci dhigaya in maxkamadaha Maraykanku u qabsan karaan Sacuudi Carabiya weerarkii September 11.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Sucuudigu digniintan u gudbiyay maraykanka mar uu bishii hore booqasho ku tagay dalkaas.

Waxa jira kala qaybsanaan isa soo taraysa oo lagu kala qaybsan yahay xeerkan Congress-ku gacanta ku hayo, laakiin maamulka Obama ayaa ka digay in ay ka dhalan karaan cawaaqib diblomaasiyadeed iyo kuwo dhaqaale.

Sacuudi Carabiya had iyo jeer way beenisaa in ay ku lug lahayd weeraradii Al-Qaacida ku qaaday New York iyo Washington sanadkii 2011 oo ragii weerarada gaystay ay badidoodu ahaayeen kuwo u dhashay Sucuudiga.