Britain oo ka digeysa hoos u dhac dhaqaale

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Afti dadweyne ayaa Britain ka dhici doonta bisha June

Warbixin ballaaran oo dowladda Britain ay maanta soo saartay waxa ay sheegeysaan in dhaqaalaha dalkaasi uu hoos u dhacayo.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in 2030 ka uu dhaqaalaha Britain uu hoos u dhici doono lix boqolkiiba, haddii dadka ay u codeeyaan inay Midowga Yurub ka baxaan.

Warbixinta waxaa maanta lagu wadaa inuu daaha ka rogo wasiirka dhaqaalaha ee Britain, George Osborne.

Waxaana la filayaa inuu dhihi doono in dhaqaalaha dalka uu u dhigmi doono in guri kastoo uu qarashkiisa hoos u dhacayo 6000 oo dollar sanadkastaa, taas oo aad u xun.

Dadka u ololeynaya in EU ay Britain ka baxdo waxa au sheegayaan in qoraalkan uu yahay midkaloo lagu qaldayo qiimeynta dhaqaalaha oo dowladda ay sameyneyso.

Aftida ku saabsan in haddii Britain ay ka bexeyso Midowga Yurub waxa ay dhicidoontaa bisha June ee sanadkan.