Samatabixinta dhulgariirka Japan oo sare loo qaaday

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhulgariirka Japan

Shaqaalaha gurmadka Japan ayaa waxa ay sare u qaadeen dadaalada ay ku baadi goobayaan dad ka badbaaday laba dhulgariir oo waa weyn oo ka dhacay koonfurta dalkaasi.

Dhulgariirka ayaa dhacay habeenimadii Khamiista iyo kii Jimcaha, waxaana uu halkaa ku dilay 41 qof.

Tobaneeyo qof ayaa la la’yahay waxaana loo malaynayaa in ay ku xayiran yihiin burburka dhismooyin dumay.

Kooxaha badbaadada ee ku sugan qaar ka mid ah tuulooyinka ku yaal jasiiradda Kyushu ayaa habeenkii oo dhan gacmaha ku qodayay burburka xilli uu weliba da’ayay roob aad u xooggan.

Ruxashada dhulka ayaa weli halkaasi ka sii socota.

Weriyaha BBCda ee ku sugan magaalada Minami Aso ee uu dhulgariirku ku dhuftay ayaa sheegaya in dadka halkaasi ku nool ay si xun u saameysay dhibaatada ka dhalatay dhulgariirka iyagoo sheegayaba in aanay abid arag dhurlgariir midkan la mid ah.