EU oo taageero u ballan qaaday Liibiya

Image caption Dowladda Cusub ee Liibya waxaa hortaalla howl adag oo ah isu keenidda malleeshiyaadka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier waxa uu sheegay in dowladda cusub ee Liibiya ee Qaramada midoobeey ay dhistay, in Yurub ay taageereyso.

Waxa uu hadalkaasi ka sheegay caasimadda dalka Liibiya ee Triboli, halkaas oo ay taageero uga dhawaaqeen asiga iyo dhigiisa Faransiiska, Jean-Marc Ayrault.

Maamulka cusub ee dalka Liibiya waxa uu isku deyayaan inuu awoodiisa ku fidiyo wadanka oo dhan, oo u kala qeybsanaa laba maamul oo iska soo horjeeday.

Labadaasi maamul waxay kala fadhiyeen Bariga iyo mid dhanka Galbeedka.

Mr Frank-Walter waxa uu tilmaamay in danta dhammaan dadka reer Liibiya ay tahay inay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadda iyo kala dambeynta.

Dowladda Cusub ee Liibya ee uu hogaaminayo Feyaz Al Serraj waxa ay la dagaallami doontaa kooxda Daacish oo qeybo kamid ah dalkaasi kusugan.

Waxaa sidoo kale hortaalla howsha ah isu keenidda maleeshiyaadka hubeysan ee aan cidna ka amar qaadan.