Sicirka shidaalka caalamka oo hoos u dhacay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Arrintan waxaa sabab u ah khilaafka u dhexeeya Sucuudiga iyo Iiraan

Qiimaha saliidda ayaa si aan caadi ahayn hoos ugu dhacaya, kaddid markii kullan ay yeesheen dadka dhoofiya ay ku fashilmeen inay heshiis gaaraan.

Qorshaha kullankaasi ayaa ahaa in la dhimo soosaaridda saliidda si looga hortago qulqulka aadka u badan ee soosaaridda shidaalka.

Saacado kaddib, qiimaha saliidda waxa uu hoos u dhacay in kabadan 5 boqolkiiba.

Dalalka soo saara saliidda waxa ay rajeynayeen in qiimaha sare loo qaado.

Laakiin qalalaaso ayaa soo dhexgalay kaddib markii la isku qabsaday doorka Iiraan ee suuqa.

Boqortooyada Sucuudiga madooneyso in la yareeyo soosaariida saliidda, haddii Iiraan aysan ogolaan inay inay dhinto.

Hase yeeshee, Iiraan waxa ay dooneysaa inay saliid badan caalamka u iibgeyso si ay uga faa’ideysato cunna qabateyntii caalamiga ahayd ee laga qaaday.