Brazil: Xeer ilaaliyaha oo difaacay Dilma Rousseff

Image caption Dadka reer Brazil ayaa daawanayay codaynta baarlamaanka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Brazil, Jose Eduardo Cardozo, ayaa ku eedeeyay mucaaradka madaxweyne Dilma Roussef, inay sameeyeen afganbi ka soo horjeeda Domoqraadiyada, ka dib markii aqal hoose ee baarlamaanka ayaa u codeeyay mooshin in si rasmi ah loo eedeeyo Madaxweynaha.

Ms Rousseff ayaa loo haystaa eedeymo la xiriira inay si sharci daro ah u badashay lacagta miisaaniyada. Mooshinka ayaa hadda loo gudbinayaa Senate-ka oo go'aan ka gaari doono in la aqbalo mooshinka.

Mr Cardozo, oo hogaaminaya kooxda difaacaysa madaxweynaha ayaa sheegay, inuu sugayo inuu keeno cadaymo inaysan madaxweynaha danbi lahayn.

Dadka dhaleecaynaya mooshinka ayaa sheegay inay noqotay afti loo qaadayo taageerada ay haysato.