Phillip Hammond oo Liibiya ka dagay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Phillip Hammond ayaa booqasho aan hore loo sii sheegin ku tagay Tripoli si uu taageero ugu muujiyo xukuumadda cusub ee Liibiya oo taageero ka haysata Qaramada Midoobay.

Wuxuu isku dayayaa inuu mideeyo waddankaas oo aad ugu kala qaybsan laba xukuumadood oo dagaallamaya iyo tiro kooxo miliishiyooyin ah.

Wadahadalka uu Hammond la yeelanayo maamulka cusub waxay ka sii horeeyay wadahadallo kale oo ay la yeesheen Wasiiradda arrimaha dibadda ee Faransiiska, Talyaaniya iyo German-ka.

Wadahadaladaasi waxaa diiradda lagu saari doonaa dib u dhiska dhaqaalaha iyo dib u soo noolaynta adeegyadii dadwaynaha.