Dhimashada Equador oo sii kordhaysa

Lahaanshaha sawirka AFP

Tirada dadka ku dhintay dhul gariirkii xooganaa ee ka dhacay Equador ayaa korortay oo noqday 350 qof sida ay sheegtay dowladda.

Waxaa jira xaalad adag iyadoo kooxaha gurmadka iyo reeraha laga maqan yahay ay raadinayaan dad badbaaday, iyagoo isticmaalaya gacmahooda.

Kooxo gargaar oo ka socda Switzerland, Spain iyo dhowr dal ee Koonfur Amerika ayaa yimid si ay uga caawiyaan baaritaanada dadka burburka ku dhex jira.

In ka badan 2,000 oo qof ayaa ku dhaawacmay dhulgariirka oo ahaa mid aad u xoogan.

Horaantii madaxweyne Rafael Correa ayaa ka digay in dhimashada ay kordhi karto, oo ay wali jiraan dad nool oo wali ku dhex jira burburka