Wadahadalada Yemen oo Kuwait ka furmaya

Image caption Saamaynta dagaalka Yemen

Wadahadaladii u dambeeyay ee looga golleeyahay soo afjaridda colaadda saddex iyo tobanka bilood ka socota dalka Yemen ayaa maanta (Isniin) dib uga sii soconaya dalka Kuwayt.

Wadahadalkan ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay ayaa dabo socday xabbad joojin todobaad socotay oo marar badan la carqaladeeyay.

In kabadan lix kun oo ruux ayaa ku geeriyootay dalka Yemen intii uu dagaalku socday, kala bar dadkaasi shacab ayay ahaayeen.

Dad ku dhaw saddex milyan oo ruux ayaa ku baro kacay dagaalka u dhaxeeya ciidammo daacad u ah dawladda oo taageero ka hela xulafada ay Sacuudigu hogaamiyaan iyo Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iiraan.