Argentina oo suuqa caalamka ku soo noqotay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Argentina ayaa la filayaa inay hesho maalgashiyo badan

Dalka Argentina ayaa dib ugu soo noqday suuqyada caalamka, tani oo ah markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2001.

Xilligaas ayaa Argentina waxaa caalamka looga yeeshay deemo aad u badan kaddib markii qalalaase siyaasadeed oo aad u xun uu galay.

Dowladda dalkaasi waxa ay iibisay dhaqaaleheeda oo qiyaas ahaan gaaraya 15 bilyan oo dollar.

Dib ugu soo noqoshadan ayaana waxay daba socotaa heshiis taariikhi ahaa oo u dhexeeyay dowladda cusub iyo maalgashadayaasha caalamka.

Heshiiskaasi waxa uu si gaar ah u dhexmaray madaxweyne Mauricio Macri iyo koox maalgashadayaal ah.

Kooxdaasi waxay ahaayeen kuwii Argentina ku dacweeyay maxkamad New York ku taalla kaddib markii deemaha faraha badan lagu yeeshay.

Madaxweynihii ka horeeyay Mr Macri, Cristina Fernandez de Kirchner, waxa uu diiday inuu wadahadal la galo shirkadaha deenta ku lahaa dalkaasi.