Dhimashada dhulgariirka Ecuador ay korortay

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dadka uu dhulgariirka saameeyay oo biyo safaf ugu jira

Maamulka dalka Ecuador waxa ay sheegayaan in tirade dhimashada ay korortay.

Waxa ay sheegayaan in illaa iyo hadda la og yahay in ugu yaraan ay 430 qof ay ku dhinteen dhulgariirkii sabtida.

Sidoo kale, in kabadan 2000 oo qof ayaa ku dhaawacantay.

Madaxweyne Rafael Correa waxa uu sheegay in tani ay tahay musiibadii ugu xumeyd ee dalkiisa uu soo maro muddo tobannaan sano ah.

Dhulgariirka waxa uu saameeyay magaalooyiin badan oo saaran xeebaha badda Pacific-ga.

Waxaana burburay jidadkii waaweynaa, waxaa sidoo kale burburay xaafado iyo dhismayaal waaweyn.

Qiyaastii 14 kun oo askeri ayaa loo daad gureeyay goobaha uu dhulgariirka ka dhacay, waxayna caawinayaan dadka ka badbaaday musiibada.

Ciidamada ayaa sidoo kale garab siinaya dadka ay guryaha ka dumeen.

Kooxo ka shaqeeya samatabixinta oo ka tagay dalal badan oo caalamka ah ayaa gaaray dalkaasi.