IMF oo hakiday gargaarka Mozambique

Lahaanshaha sawirka AFP

Hayadda lacagta adduunka ee IMF ayaa hakiyay lacagta ay siiso Mozambique ka dib markii ay ogaatay in dowladda Mozambique ay ku guuldaraysatay inay sheegtao ammaah lagu leeyahay oo ka badan bilyan dollar.

Masuuliyiinta IMF ayaa sheegay in deeq bixiyaasha kale in laga yaabo inay hakiyaan gargaarka ay siiyaan Mozambique. Talaabadan ayaa cadaadis saari doonta Mozambique oo ku tiirsan lacagta gargaarka ee ay ka hesho dibadda, oo u dhiganta boqolkiiba shan iyo toban miisaaniyadooda.

Waddanka ayaa waxaa haysta dhibaatooyin dhaqaale, iyadoo uu yaraaday kaydkii lacagta dollarka ayna hoos u dhacday qiimaha lacagteeda.