Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Reer lagu gubay Shabeelada Hoose

Maamulka magaalada Marka ee Soomaaliya ayaa sheegay in lix carruura iyo ayeeydood lagu gubay gurigooda oo ku yaala dhul beereedka Jeebey, oo qiyaastii 25 km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dilkan loo gaystay carruurta iyo ayeeydood, ayaa daba jooga dilal horey u dhexmaray labo beelood oo gobolka wada dagan sida ay dadka deegaanku u sheegeen BBC-da.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, ayaa taleefanka Marka kula hadlay gudoomiyaha magaaladaasi Xasan Cumar, wuxuuna marka hore weydiiyay sida falkan lagu gubay qoyska uu u dhacay