Suuq khudaar oo la duqeeyay Suuriya

Lahaanshaha sawirka Reuters

Wararka ka imanaya woqooyi galbeed ee dalka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarado duqeeyeen suuq khudaarta lagu iibiyo oo ay dileen kuna dhaawaceen dad tiro badan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qiyaastii afartan qof lagu dilay Macarrat Al-Nucmaan oo ku taal gobolka Idlib ee intiisa badan fallaagadu gacanta ku hayaan.

Dowladda Syria iyo Russia ayaa duqayn la beegsanayay dhulka ay fallaagadu gacanta ku hayaan.

Weerarkan ugu dambeeyay ee dadku ku dhinteen wuxu ku dhacay iyadoo kooxaha mucaaradka ah ee ka qayb galaya wada hadallada Geneva, ay sheegeen in heshiiskii hakinta colaadda ay xoogagga dowladu jabiyeen.

Hadal cadho leh oo uu jeediyay ayaa Riyad Xijaab ku shaaciyay in mucaaradku hakinayaan ka qaybgalka wadahadallada, isagoo sheegay in aanay sii wadi karin iyadoo dadka Syria ay dhimanayaan.