Balaayiin Iran lacagteeda oo la siinayo ehelada 241 qof

Lahaanshaha sawirka
Image caption Weerarka ayaa in ka badan 200 oo Maraykan ah ay ku dhinteen.

Maxkamad sare ee Maraykanka ayaa go'aan ku gaartay, in lacagta Iran ee la xayiray oo dhan in ka badan laba bilyan oo dollar la siiyo eheladii ku dhintay weeraro lagu eedeynayo kooxo ay taageerto Iran.

In ka badan kun iyo saddex boqol oo qof oo Maraykan ah ayay saamaysay go'aanka, oo la xiriira 1983 weerarkii Xisbullah ay ku qaaday ciidamo badda ee Maraykanka oo joogay Beirut 1983-dii.

Laba boqol iyo afartan iyo kow ciidamada badda ee Maraykanka ayaa lagu dilay weerarka.

Iran ayaa ka dooday sharciga uu soo saaray Congeresska oo ah in lacagta la xanibay la siiyo ehelada dadkii ku dhintay weerarka. Hadda maxkamada sare ayaa sharciga aqbashay.