Madaxweyne Xi oo madax u noqonaya ciidamada

Lahaanshaha sawirka

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa qaatay magac cusub oo taliye militari ah, talaabadiisii ugu danbaysay ee uu isku dayayo madax inuu ka noqdo ciidamada.

Mr Xi ayaa hadda ah taliyaha guud ciidamada waddanka.

Warbaahinta waddanka ayaa soo daysay isagoo booqanaya xarunta ciidamada oo xiran dharka ciidamada.

Siyaasada arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sanadahaan danbe noqonaysay mid milatari, gaar ahaan dhulka ay sheeganayso ee lagu muransan yahay ee badda koonfurta Shiinaha.

Mr Xi ayaa hadda ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Hantiwadaaga, iyo gudoomiyaha Guddiga maamula Ciidamada Xoraynta ee Dadwaynaha.