Maxkamad: Hantida Iran ha lala wareego

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Lacagta Maraykanka ku xayiran ee Iran leedahay waa 2bn oo doollar

Maxkamadda saree Maraykanka ayaa go'aamisay in hantida xayiran ee Iran agu wareejiyo ehelada dadkii lagu dilay weerrada lagu tuhunsanyahay dalkaasi.

Hantidaasi waxay gaareysaa ilaa laba bilyan oo doolar.

In ka badan kun qof oo Maraykan ah ayaa go'aankan ka faa'iidi kara.

Waxaa ka mid eheladii askartii ciidanka badda maraykanka ee ku dhintay qaraxii 1983 ee ka dhacay Beirut, Lubnaan.

Ururka Xisbullah ayaa la sheegayaa inuu gaystay weerarkaasi.

Iran waxay ku doodday in sharciga uu meel mariyay Congress-ku ee hantidaa xayiran ku wareejinaya qoysaskaasi, yahay mid faro galinaya doorka maxkamadaha.

Laakiin maxkamadda sare ayaa ansixisay sharcigan.