Bukaanka HIV ee Afrika "dawo ma helaan"

Image caption Bukaanka HIV ee galbeedka iyo bartamaha Afrika "waa dawo la'aan"

Hay'adda MSF ayaa sheegtay in afar meelood sadde dadka qaangaarka ah ee qaba virus-ka HIV ee galbeedka iyo bartamaha Afrika aysan dawo haysan.

Hay'addu waxay sheegtay in boqokiiba 90 caruurta xanuunka qaba ee gobolka ay dhibaatadaas oo kale haysato.

Waxay u aanaynaysaa dagaallada, hanaanka caafimaadka ee liita iyo rabitaan la'aanta siyaasadeed.

Dadka qaba Virus-ka HIV ee galbeedka iyo bartamaha Afrika ayaa waxoogaa ka yar marka loo eego dalalka Afrikada koofureed, halkaasoo 20% dadku ay bukaan.

Laakin dadka dalalkaas ku nool ayaa qiyaastii kala bar ka mid ah waxay heli karaan dawada.