Tahriibayaasha Turkiga ka imanaya oo yaraaday

Lahaanshaha sawirka epa

Nato ayaa sheegtay inay aad hoos ugu dhacday tirada dadka tahriibayaasha ee ka soo gudbaya badda Aegean ee imanaya Europe tan iyo intii ay bilaabmeen maraakiibtooda ilaalinaysa gobolka.

Shir jiraa'id oo ka dhacay Ankara, xoghayaha guud ee Nato, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay xogta ay bixiyaan inuu caawiyay Turkey inay ka hortagto dadka wax tahriibiya.

Tirada dadka imaanaya Gariiga ayaa hoos u dhacay oo gaaray 150 maalintii, halka uu markii hore ka ahaa ilaa laba kun oo qof maalintii.

Maraakiibta Nato ayaa ilaalinayay, xogna soo aruurinayay, labadii bilood ee ugu danbaysay.