Heesaaga Prince oo geeriyooday

Lahaanshaha sawirka Getty

Heesaaga Maraykanka ee Prince ayaa ku dhintay gurigiisa Minneapolis.

Heesaaga ayaa ahaa konton iyo toddobo jir.

Wuxuu caan noqday horaantii siddeetameeyadii, isagoo ku soo caan baxay heesaha 'I wanna Be your Lover iyo 'Little Red Corvette.'

Waxaa loo arkayay inuu ka mid ahaa dadka ugu hal abuurka badan xiligiisa. Wuxuu iibiyay in ka badan boqol milyan oo album. Wuxuu heeso u qoray abwaano kale.

Caafimaadkiisa ayaa xumaa dhawaan, isagoo joojiyay laba riwaayadood, sababtoo ah wuxuu qabay hergab xun.