Bukaan laga saaraya magaalooyin go'doonsan Suuriya

Lahaanshaha sawirka
Image caption Burbur ballaaran ayaa gaaray magaalooyinka lagu dagaallmayo ee Suuriya

Qaramada Midoobay ayaa billowday inay 500 oo ruux ka daad gurayso magaalooyin lagu hareereysan yahay oo ku yaalla Suuriya.

Dadkani waxaa laga daadgureynayaa afar magaalo oo ay ku kala hareereysan yihiin ciidammada dowladda iyo mucaaradka.

Afhayeen u hadlay UN ayaa sheegay in dadkaas qaarkood ay u degdeg ugu baahan yihiin in daryeel caafimaad loo fidiyo.

Laba ka mid ah magaalooyinka, Zabadani iyo Madaya waxaa xiray xoogag gacan saar la leh dawladda.

Labada kale Al-Fooca iyo Kafriya oo ku yaalla gobolka Idlib ayaa waxaa ku hareereysan kooxo fallaago islaamiyiin ah.