Heshiiska cimilada adduunka

Lahaanshaha sawirka PA

Dalal gaaraya boqol iyo todobaatan ayaa lagu wadaa in ay galinka dambe ee maanta saxiixaan heshiis cusub oo looga gol leeyahay in lagula dagaalamo isbadalka cimilada adduunka.

Heshiiska oo loogu yeero heshiiska Paris ayay ujeedadiisu tahay in la yareeyo wasakhaynta hawada oo loo aaneeynayo in ay keentay cimilada sii kululaanaysa ee adduunka.

Xafladda lagu sixiixayo waxay ka dhici doontaa xarunta guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Dalalka baadankoodu wali waxay u baahan yihiin in ay aqbalaan heshiiska.

Si heshiiiskan uu u dhaqangalo wuxuu u baahanyahay konton iyo shan dal oo marka la isku daro dhaliya ugu yaraan boqolkiiba konton iyo shan wasakhaynta hawada ah.