Obama oo ku adkeystay taageeridda Cameron

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Obama waxaa lagu cambaareynayaa inuu ka hadlo aftida

Madaxweyne Obama, oo sii wada booqashadiisa Britain, ayaa dhallinyarada waxa uu ku booriyay inay diidaan in dalkooda uu caalamka dib uga dhaco.

Asigoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday London, waxa uu isbarbardhigay kun sano oo Yurub ay dagaal ugu jirtay sidii ay isu nabadeyn lahayn, iyo soo ifbixii dagaalkii labaad ee dunida.

Waxa uu tilmaamay, Mr Obama, in hay’adaha dowliga ee dhisan ay ka dhasheen dadaal badan oo loo galay nabadda iyo kala dambeynta.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in aasaaska midowga Yurub uu ka dhashay sidii collaadda loo dhameyn lahaa in xiriir wanaagsan.

Jimcihii, waxa uu jeediyay hadal uu si adag ugu taageeyayay ololaha ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron ee ah in dadka ay u codeeyaan in EU ay ka sii mid ahaadaan.

Aftida dad weynaha ayaa la filayaa in la qabto bisha June ee sanadkan.

Dadka u ololeynaaya in Britain ay EU ka baxdo waxa ay Obama ku eedeeyeen inuu faragelin ku sameynaayo aftida.