Mareykanka oo askar kale u diraya Suuriya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Milateriga Mareykanka ee ku sugan qaaradda Yurub

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Barack Obama, uu 250 askari oo milateri ah oo dheeraad ah uu u dirayo waddanka Suuriya, si ay maleeshiyaadka maxaliga ah uga taageeraan dagaalka ka dhanka ah Kooxda Dowladda Islaamiga ah.

Sida ay sheegayaan saraakiishuna, ujeedada ugu weyn ayaa ah sidii Carab badan oo sunni ah loogu dhiirigelin lahaa in ay ku biiraan dagaalyahannada Kurdiyiinta ee ku sugan waqooyi bari Suuriya.

Ciidammada Mareykanka kama ay qeyb qaadan doonaan wax dagaal ah.

Dhanka kale hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa waxa ay ugu baaqday dhinacyada ka dagaalamaya Suuriya in gudaha dalka ay ka sameeyaan meelo ammaan ah oo qaxootiga ka baxsanaya colaadda lagu ilaaliyo.

Arrintaasi oo uu madaxweyne Obama ku sheegay in ay aad u adag tahay, gaar ahaan dhismaha goobo ammaan ah oo ay ilaaliyaan ciidamo shisheeye.