Diyaarad ku duusha tamarta qoraxda

Lahaanshaha sawirka Getty

Dayuurad qorraxda ku shaqeysa ayaa fariisatay California, kaddib markii ay duullimaad saddex maalmood qaatay ku soo martay badweynta pacific-ga.

Dayuuraddan oo lagu magacaabo Solar Impulse, waxay dulmartay buundada Golden gate ee San Faransisco, iyadoo ka timid Hawaii. Waa dayuurad ka weyn nooca Boeing 747.

Diyaaraddan in ay soo gaarto dalka Mareykanka ayaa waxay soo afjareysaa in ay dhameystirtay lugtii 13naad oo ay diyaaraddani duulimaadkeeda ay ka soo bilowday dalka Isutagga Imaaradka Carabta.

Diyaaradan ayaa hore waxay sameysay duulimaad ay ku soo martay caalamka oo dhan iyada oo aan lagu dhibcin shidaal kale. Waxayna safarkaas oo dhan ku martay iftiinka qoraxda ay u badasho tamar shidaal oo ku duusho.