Prince meydkiisa oo la gubay

Lahaanshaha sawirka AFP

Prince oo ah Fanaan Mareykan ah ayaa meydiisa la gubay sida ay xaqiijiyay, Anna Meacham oo ah qof dumar ah oo ka mid ahayd dadkii la shaqeyn jiray.

Qoyskiisa, fanaaniin iyo saaxiibadiisa gaarka ah ayaa goojoog ahaa halka lagu gubayay meydka Fanaanka.

Fanaanka oo konton iyo todoba jir ahaa ayaa meydkiisa waxaa laga dhex helay wiish guri uu ku leeyahay Minneaplis.

Sababta keentay geeriyoodisa wali lama yaqaano, natiijada qaliin lagu sameeyayna maalintii Jimcaha in la ogaado waxay qaadaneysaa ugu yaraan afar todobaad.

Lahaanshaha sawirka Getty

Meesha lagu daadinayo danbaska jirkiisa ayanan la shaacin doonin, waxaana ogaanaya oo kaliya dad kooban oo fanaanka u dhowaa.

Saraakiisha Mareykanka ayaa waxay sheegayaa in meydka fanaanka aanan lagu arag wax dhaawac ah, mana jiraan wax tilmaamaya in uu isagu isdelay.

Mrs. Meacham ayaa sheegtay in dhowr sacadood ka hor ay dadkii ehelka u ahaa fanaanka, fanaaniin iyo saaxiibo ay qabteen xus gaar ah oo tacsi ah.