Bariga Dhexe:Qasaaraha shidaalka oo gaaray $390 bilyan

Lahaanshaha sawirka Getty

Hayadda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay, in sicirka saliida shidaalka ee hoos u dhacay ay waddamada shidaalka dhoofiya ee Bariga Dhexe ay waayeen lacag dhan saddex boqol iyo sagaashan bilyan oo dollar sanadkii hore markii la barbardhigo 2014-kii.

Sadaalinta sanadka soo socda ayay IMF ka digtay in waddamadaas ay isku diyaariyaan in shidaalka uu hoos u dhaco.

Waxay sheegtay in qasaaraha uu micnihiisu yahay dhaqaalaha oo hoos u dhaca, iyo sida uu gobolka u yaraynayo lacagta ay dowladda qarash garayso inay u baahan tahay inay sii socoto sanooyinka soo socda.