Ansar al-Islam Bangladesh oo dil sheegtay

Lahaanshaha sawirka no credit
Image caption Xulhaz Mannan

Malayshiyo ka dhisan dalka Bangladesh oo ku xiran ururka Al-qaacida ayaa sheegay in ay dileen Xulhaz Mannan oo u ol’oleeyn jiray dadka isku jinsiga ah ee hamadu isu qabato, iyo waliba saaxiibkii.

Dilkaasi waxa uu ka dhacay magaalada Dhaka Isniintii la soo dhaafay.

Ururkaas oo lagu magacaabo Ansar al-Islam Bangladesh ayaa sheegay in ay nin kaas u bartilmaameed sadeen in uu dhiirigalinayay in dadka isku jinsiga ah ay isu galmoodaan isaga oo gacan ka helayay Maraykanka iyo dalka Hindiya.

Dilkaasi waxa uu ka mid ahaa dilal badan oo lagu bartilmaameedsanayay dadka qunyar socodnimada wax ka qora ama u ol’oleeya.

Rai’sal wasaaraha ayaa dilkaas ku eedeeyay mucaaradka wuxuuna sheegay in ay uga golleeyihiin in ay dawladda ku khalkhaliyaan.

Laakiin mucaaradka ugu wayn dalkaasi ayaa isna sheegay in ay xukuumaddu ka dambayso dilkaasi maadaama oo ay ku guuldaraysatay in ay dalka si wanaagsan u hogaamisho