Shaqo joojinta dhaqaatiirta England

Lahaanshaha sawirka

Shaqo joojintii dhaqaatiirta ee ay wada joojiyaan adeega oo dhan ayaa ka bilaabatay England.

Kumanaan dhaqaatiir ayaa joojiyay shaqooyinka ay qabtaan maalin walba iyo kuwa adeega caafimaadka degdega saacada markay ahayd 08.00 AM, iyagoo ka soo horjeeda sharci cusub oo ay ku shaqaynayaan oo bilaabanaya goor dhow.

Waa markii ugu horaysay ee taariikhda adeega degdega, dhalmada iyo bukaanka aad u jiran ay saamayso shaqo joojintan mudada dheer socota.

Madaxda Hayadda caafimaadka qaranka ee NHS ayaa aaminsan in la qorsheeyay si loo hubiyo badbaadada bukaanka, si aadna loola soconayo inta ay socoto shaqo joojinta ilaa shanta galabnimo.

Shaqo joojin noocan oo kale ayaa dhici doonta bari.

Isbitaalada ayaa waydiisan kara dhaqaatiirta inay shaqada ku soo noqdaan hadii loo baahdo, laakiin ilaa hadda NHS ayaan waydiisan.

NHS England ayaa sheegtay inay samaysay diyaargarow sida milatariga ah si loo badbaadiyo adeega degdega.