Sweden oo baaraysa qatar weerar

Lahaanshaha sawirka

Sirdoonka Sweden ee Sapo ayaa baaraya qatar weerar argagixiso oo lagu qaadi karo magaalo madaxda Stockolm, sida ay sheegeen warbaahinta.

Masuuliyiinta Ciraaq ayaa u sheegay Sweden in toddobo ka md ah siddeed mintidiin oo ka tirsan kooxda la magac baxday IS ay u safreen Sweden, sida uu tabiyay wargays.

Afhayeenka Sapo ma xaqiijin wararka ay heleen.

Laakiin wuxuu u sheegay warfaafinta inaan warka la beenin karin.

Heerka qatarta waddanka ku iman karta ayaa joogta heerka saddexaad oo aan isbadalin.

Hayadaha ammaanka ayaa la sheegayaa in diyaar laga dhigay, in kastoo ay Sapo sheegtay inay hesho warbixinadan oo kale marar badan.

Stockholm waa magaalada ugu wayn waddamada Nodic-ga iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii 900,000.