Ukraine oo xusaysa musiibadii nukliyeerka Chernobyl

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xus loo sameeyay musiibadii nukliyeerka ee Ukraine

Dowladda Ukraine ayaa waxa ay qabanaysaa xaflado ay ku xusayso sanadguuradii 30-aad ee ka soo wareegatay shilkii nukliyeerka Chernobyl oo la sheegay inuu ahaa kii ugu xumaa ee caalamka ka dhaca.

Dhawaqa codka digniinta ayaa la yeeriyay saacaddu markii ay aheyd 11:23 oo fiidnimo, markaasi oo ku beegnayd qaraxii ugu horreeyay ee ka dhaca meesha lagu kobciyo yuraaniyamta bishii Abriil 1986.

Saqafka kore ayaa xarunta ka biibay kaddibna daruur shucaac ah ayaa hawada ku baxday, taasi oo gaartay guud ahaan xuduudaha Ukraine, Ruushka, Belarus iyo dhul ballaaran oo waqooyiga Yurub.

Shilka ayaa waxa uu u muuqdaa in uu ka qeyb qaatay burburkii Midowga Soofiyeet, waxaana ka dhashay in la dajiyo heer sare oo badqabka nukliyeerka ah.