Talaalka Hargabku subaxdii ayuu waxtar badan yahay

Image caption Hargabka waa la iska talaali karaa

Cilmibaaris lagu sameeyay talaalka Hargabka oo Britain ka dhacday ayaa lagu ogaaday in talaalka Hargabku uu waxtar badan yahay marka la qaato subaxii, badalkii laga qaadan lahaa galainka dambe.

Climo baareyaashu waxay ogaadeen in dadka la talaalo 11:00 barqinkii ka hor uu difaaca jidhkoodu ka xoog badanyahay kuwa kale.

Sidoo kale waxay sheegeen in dadka oo loo talaalo si la siman sida dabiiciga ah ee jidhkoodu u shaqeeyo ay caawin karto guud ahaan sare u qaadida xeeladaha talaallada oo dhan ayna nolol badbaadin karto.

Cilmibaaristan waxaa sameeyay cimlibaareyaal ka socda jaamacadda University of Birmingham, waxayna ku saleeyeen baaritaan ay ku sameeyeen dad ku dhaw saddex boqol oo ruux oo da'doodu ka sarayso lixdan iyo shan.

Hargabka ayaa xanuun badan u keena dad tiro badan waayeelna qaarka geeri ayuuba u horseedaa.