Mareykanka oo taageero u muujiyay Ciraaq

Image caption Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, Joe Biden, oo Ciraaq booqasho ku tegay

Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, Joe Biden, ayaa mudadii uu booqashada gaaba ee aan la sii shaacin ee uu ku tagay magaalada Baqdaad waxa uu taageero u muujiyay dowladda hareeraysan ee Ciraaq.

Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee uu Biden ku tago waddanka Ciraaq muddo shan sana ah.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka, Josh Earnest, ayaa sheegay in booqashada ay tilmaan wanaagsan u tahay taageerada uu Mareykanku u hayo dadaalada dowladda Ciraaq ay kula dagaalamayso Kooxda Dowladda Islaamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in xaaladda siyaasadeed ee qasan ee haatan ka taagan gudaha waddanka Ciraaq ay waxyeelaynayso dagaalka ka dhanka ah Kooxda Dowladda Islaamiga ah.