Qaramada Midoobay oo ka dayrisay xaaladda Xalab

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Burburka ka dhashay duqeymaha Xalab

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in xaaladda magaalada Xalab ee waddanka Suuriya ay tahay mid aad u xun, kaddib markii tobaneeya qof lagu dilay weerraro lagu bartilmaameedsaday isbitaal halkaasi ku yaal.

Howlwadeenada gurmadka rayidka ah ee ku sugan magaalada Xalab ee waddanka Suuriya ayaa haatan sheegaya in ugu yaraan 55 qof ay ku dhinteen duqeymihii cirka ee ay habeenkii Arbacada ciidammada dowladdu ku qaadeen isbitaal ku yaal magaaladaasi.

Kooxda oo loo yaqaan Koofiyadaha Cadcad, ayaa weli waxa ay qodayaan burburka kaddib 24 saacadood oo ka soo wareegatay markii weerrarka la qaaday.

In ka badan 200 oo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen magaalada Xalab todobaadkii la soo dhaafay, arrintan ayaa ka dhalatay duqeymo iyo weerraro dhanka cirka ay oo ay dowladdu halkaa ku hayso.