Biyo yari ka taagan Ouagadougou

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Biyo yarida ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay cimilo xumida aduunka ka jirta.

Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay in ay xaddideyso biyaha lacaga isticmaalo caasimadda Ouagadougou, ka dib markii ay biyo yari soo wajahday.

Ayadoo heer kulka Ouagadougou uu gaaro 45 degrees, dadkuna ay sii badanayaan, ayaa biyaha waxa ay yihiin kuwo aad muhiim ugu ah caasimaddaasi.

Dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay, qeybo ka mid ah caasimadda ayaa maalmo dhan biyo la’aan ahaa.

Wasiir ka tirsan dowladda ayaa sheegay in laga bilaabo Talaadada degmooyinka caasimadda ay midba maalin heli doonto biyaha.

Tallaabadan ayaa la filayaa in ay culeyska ka yareyso ceelasha ku yaalla Ouagadougou, oo si aad ah loo dhaansaday.

Khubarada biyaha ayaa sheegaya in biyo yaridan ay ka dhalatay abaarta caalamiga ah ee saameysay deegaanno ka tirsan Afrika iyo weliba India.