Mudaharaad ka socda baarlamaanka Ciraaq

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dibed baxayaasha ayaa doonaya in wax laga qabto musuq-maasuqa Ciraaq.

Boqolaal qof oo dibed baxayaal ah ayaa weli ku sugan bannaanka xarunta baarlamaanka dalka Ciraaq.

Dibed baxayaasha oo u badan taageerayaasha wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadr, ayaa shalay xoog ku galay xeyndaabka aadka loo ilaaliyo ee uu baarlamaanka kaga yaallo caasimadda Baqdaad.

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Xaydar Al-Cabaadi ayaa sheegay in rabshado halkaasi ka dhacay ay hadda maareeyeen laamaha ammaanka.

Dadka mudaharaadaya ayaa ka careysan in baarlamaanka uu ansixin waayay isbedelo siyaasadeed oo wax looga qabanayo musuq-maasuq saameeyaan laamaha dowladda.

Hay’adda Transparency International ayaa sheegtay in Ciraaq ay ka mid tahay sideeda dal ee caalamka ugu musuq-maasuqa badan.