Dagaal ka dhacay deegaanka Ruun-Nirgood

Image caption Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay qabsadeen deegaanka Ruun-Nirgood.

Dagaal culus ayaa saaka ka dhacay deegaanka Ruun-Nirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, halkasi oo shalay ay qabsadeen ciidammada dowladda Soomaaliya.

Balse saaka ayaa dagaal xoog leh waxa ku soo qaaday Al-Shabaab iyagoo la sheegay in ay dhawr jiho ka soo weerareen.

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ay dagaalka ku dileen in kabadan labaatan askari oo ay saraakiili ku jirto, kuna qabsadeen gaadiid dagaal

Ma jiro waxa war ah oo ka soo baxay milateriga Soomaaliya, balse ilo madax bannaan ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Al-Shabaab ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka Ruun-Nirgood, iyagoo ciidammada dowladduna ku baxeen waddada xeebta ee aada degmada Cadale.