Qarax ka dhacay magaalada Gaziantep

Image caption Weerarrada lagu qaadayo Turkiga ayaa sare u kacay tan iyo sanadkii hore.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay gaari ku qarxay dibedda xarun boolis oo ku taalla magaalada Gaziantep ee dalka Turkiga.

Waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay dhowr qof oo kale oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, balse magaalada Gaziantep oo ku dhow soohdinta Turkiga uu la wadaago Suuriya, ayaa waxaa la sheegaa in ay ku sugan yihiin xubno taabacsan ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka.

Tan iyo sanadkii lasoo dhaafay, dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay weerarro badan oo ay geysteen jabhadda PKK iyo ururka Dowladda Islaamka.

Dhanka kale, saddex ka mid ah milateriga Turkiga ayaa ku dhintay howgal ay ka wadeen magaalada Nusaybin ee koonfur bari Turkiga.