Shirkad wax soo saarkeedu waxyeello gaystay

Shirkad laga leeyahay dalka Britain oo lagu magacaabo Reckitt Benckiser ayaa qiratay in qaar ka mid ah wax yaabaha ay soo saarto ay sabab u noqotay in ay dhimasho iyo dhaawacba la kulmaan dad badan oo ku sugan dalka Kuuriyada koonfureed.

Madaxa qaybta shirkaddaasi ee dalka Kuuriya Koonfureed, Ataur Safdar oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Seoul, ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay wixii dhacay.

Waxa uu sidoo kale raali gelin ka bixiyay dib u dhaca ku yimid dacwadda la xiriirta arrintani.

Dhibaatadan ayaa ka timid waxyaabo ay soo saarta shirkaddani oo lagu nadiifiyo qalabka guryaha la dhigto.

Mas'uuliyiinta dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegaya in uu jiro xiriir ka dhaxeeya kiimikadaasi iyo xanuunno dhanka sambabada ah oo dalkaasi ka dilaacay sanadkii 2011.

Reckitt Benckiser waxa ay suuqa ka saartay kiimikadaasi balse waa markii ugu horreysay oo ay mas'uuliyadda arrintaasi dhabarka u ridato.