'Danbi ma aha hadaad baahi darteed u xado'

Lahaanshaha sawirka

In la xado cunto yar si baahida la isaga bi'iyo ma aha danbi, maxkamada ugu saraysa ee talyaaniga ayaa go'aamisay.

Garsoorayaasha ayaa joojiyay dacwad loo haystay Roman Ostriakov, kadib markii uu ka xaday cunto qiimaheedu dhan yahay $4.50 tukaan.

Mr Ostriakov, oo ah maskiin aan guri haysan ayaa cunto ka qaatay isagoo si degdeg ah ugu baahday, maxkamadda ayaa go'aan ka gaartay.

Sidaas darteed danbi ma'aha ayay sheegtay maxkamadda.

2015-kii Mr Ostriakov ayaa lagu helay danbi xatooyo waxaana lagu xukumay lix bilood iyo boqol Euro oo ganaax ah.

Laakiin, racfaan ayaa laga qaatay in la dhimo xukunka iyo in danbiga laga dhigo xatooyo la rabay, halka uu ka yahay xatooyo, sababtoo ah Mr Ostriakov ma uusan ka tagin tukaanka markii la qabtay.

Maxkamadda sare ee Talyaaniga ee Cassation, oo dib u eegta codsiyada sharciga sida loo isticmaalo ayaa Isniintii samaysay go'aankii ugu danbeeyay oo ay ku joojisay xukunka.

Inaad xadid cunto yar si aad nafsadaada muhiim u ah ma ha danbi ayay maxkamada sheegtay.

"Xaalada danbiilaha iyo sida alaabada loo qaatay ayaa sheegaysa inuu qaatay cunto yar isagoo ay soo food saartay inuu cunto degdeg ugu baahan yahay, isagoo ku jira xaalad baahi qabay," ayay maxkamadda sheegtay.